stitcherLogoCreated with Sketch.
Get Premium Download App
Listen
Discover
Premium
Shows
Likes
Merch

Listen Now

Discover Premium Shows Likes

Ladnaan Podcast

44 Episodes

22 minutes | Jan 22, 2023
#43: Sideed tahay adiga waalidka ah ee caruurta yar-yar haysta?
Waa sidee dareenka waalidka caruurta yaryar haysta? Ma waxaad dareemeysaa farxad iyo reyn reyn, mise stress? maxaad sameeysaa si aad uga baxdo mar marka qaarkii stress-ka waalidnimada keenta? Haddaba xalqadan waxaan kuugu haynaa talooyin. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye  Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar   Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
29 minutes | Jan 2, 2023
# 42: Sideen caruurteena uga badbaadinaa shaashada & aaladaha elektorooniga?
Sanad wanaagsan ayaan idin leenahay dhageystayaasheena meel walbo oo aad joogtaan. Anagoo weli ku guda jirna caruurta da'dooda u dhaxeeysa 1-6 jir waxaan xalqadan idinkugu haynaa dhibaatooyin ay waalidiinta adduunka dhan ay isla wadaagaan oo ah sideen uga badbaadinaa caruurteena shaashada iyo aaladaha elektorooniga?Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye  Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar   Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
36 minutes | Dec 4, 2022
#41: Part 3-Marxaladaha horumarinta caruurta jirta 4-5 jir
Taxanaheenaan sedexaad wuxuu ka hadlayaa Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 4-5 sano jir waxaan kaga hadleynaa sidaan u xoojin leheen dareenka caruurta iyo shucuurtooda. Waxaan kusoo qaadaneynaa talooyin iyo tusaalooyin waxtar leh.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeLogo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
29 minutes | Nov 13, 2022
#40: Part 2: Marxaladaha Horumarka Koriinka Caruurta 1-3 jir
Taxanaheenaan labaad ee Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 1-3 sano jir waxaan kaga hadleynaa sidaan u xoojin leheen dareenka caruurta iyo shucuurtooda. Waxaan kusoo qaadaneynaa talooyin iyo tusaalooyin waxtar leh.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeLogo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
32 minutes | Oct 31, 2022
#39: Marxaladaha Horumarka Koriinka Carruurta, 1-3 sano jir- Part 1
Waxaan dhowr xalqadood oo soo socda kaga hadli doonaa Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 1-5 sano jir. Qeybtaan ugu horeeysa waxaan kaga hadleynaa 1-3 jir iyo shanta marxalood ee ugu waaweyn. Ha moogaanin qeybta 2-aad oo aan sii wadi doono. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeLogo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
27 minutes | Sep 12, 2022
#38: Sideen u jecleysiinaa caruurteena iskuulka
Xalqadeena waxaan kaga hadleynaa sideen u jecleysiinaa caruurteena iskuulka. Caruur badan ayaa dhacda in isbuuc ama dhowr isbuuc kadib iskuulkii naca oo yiraahda ma rabo inaan iskuulka aado. Sababaha keentana weey badan tahay. Xalqadeenaan waxaan kaga hadleynaa xalalka uu waalidka sameeyn karo markeey caruurtiisa ka caajisaan iskuulka ama ay diidaan ineey sameeyaan waajibaadyada looga soo diray iskuulka. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeLogo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
46 minutes | Aug 20, 2022
# 37: Sidaan caruurta ugu diyaarin leheen iskuul sanadeedka
How to prepare children for the school start.Xalqadeenaan waxaan siin doonaa waalidiinta talooyin ay ku dabaqi karaan una isticmaali karaan isku diyaarinta sanad dugsiyeedka.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeLogo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
48 minutes | Jul 10, 2022
# 36: Wareysi Luul oo ah social worker/social sekreterare
Haddaba xalqadeena waxaan mar labaad ku casumnay Luul oo aan horay kaga wareeysanay howsha ay qabtaan adeega bulshada ee Sweden. Xalqadeenaan waxaan ka hadleynaa oo ay Luulna nooga jawaabeysaa su'aalo ka yimid wareystayaasheena. Waxayna xalqadani qaas u anfaceysaa waalidiinta ku nool Sweden. Waalidiinta wadamada galbeedka kale degan xataa waxay ka faaiideysan karaan waxyaabo badan.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeLogo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
12 minutes | Jun 22, 2022
Special episode: Guur & Gayaan
Xalqadaan Ladnaan podcast waa mid ka gedisan xalqadihii aad nooga barateen. Waa special episode oo aan ugu tala galnay inaan warbixin ka bixino mawqac ama Platform la yiraahdo Guur & Gayaan. Dhageyso oo nala wadaag ra'yigaaga. Wixii su'aalo ah noogu soo dir: ladnaanpodcast@gmail.comMawqaca Guur & Gayaan waxaad kasoo geli kartaa Instagram account: @guur_iyo_gayaanHeesta intro iyo dhamaadka waa heesta Cabdi Hani, Wiil Goboo
58 minutes | May 31, 2022
# 35: Wareysi aan la yeelanay Kaltun - kobcinta iyo koriinka caruurta da'da yar
Waxaynu qeybteenaan wareysanay Kaltun Abdulahi Guuleed oo ku taqasustay kobcinta iyo koriinka caruurta, qaasatan caruurta da'da yar. Waxay Kaltun nala wadaagtay sidaan caruurta u kobcin lahayn jir ahaan, maskaxiyan iyo shucuur ahaanba, iyadoo cilmigii maadiga iyo tii diinigaba dhinac walba ka eegtay.Heesta horudhaca waxaa iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeHeesta dhamaadka ee la yiraahdo 'Ubadkaa mudnaanta leh' waxaa iskaleh Aar Maanta. https://www.youtube.com/watch?v=Hc_zrRYx8Bc&ab_channel=AarMaanta-TopicWixii su'aalo oo ku saabsan kobcinta caruurta da'da yar nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
31 minutes | May 8, 2022
#34: Aasaaska waalidnimada
 Waxaan horay xalqadeenii 3-aad uga hadalnay aasaaska tarbiyada oo aan ku tilmaamnay inay tahay:  Inaan soo saarno jiil kalsooni leh,  aamin ah, nafta xakamin kara, isku filan, jaceeyl u qaba waalidka iyo dadka kaleba. Haddaba maanta waxaan dib ugu noqonaynaa xalqadaa oo aanu u gudagalno aasaaska tarbiyada. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeWaxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
52 minutes | Feb 15, 2022
# 33: Dhalinyarada iyo guurka - ma u baahan nahay inaan hagno?
Xalqadan waxaanu ka hadli doonaa dhalinyarada iyo guurka.  Ma u baahan nahay inaan hagno? Hadeey nooga baahan yihiina, sideen u hagnaa iney lamaane ku haboon doortaan? Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeWaxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
44 minutes | Jan 29, 2022
#32: Dowrka waalidka uu ka cayaaro qayimka iyo mabda'a dhalinyarada
Qeybteena waxaan kaga hadli doonaa  sida dhaliyaradan looga caawin lahaa inay fikradahooda iyo mabd’a khaas u ah ay u samysan karaan, adigoo aan fikradahaaga ku khasbayn. Haddaba sidee ayuu waalidka taa uga caawin karaa? Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeWixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
38 minutes | Jan 9, 2022
#31: Sideen ugu diyaarinaa nolosha ubadkeena dhalinyarada ah?
Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa taxano cusub ·  Oo aan  kaga hadli doonaa dhalinyarada markay soo gaadhaan d’ada 18-ilaa 24 oo ah da'da ay u gudbayaan nolosha dadka waaweyn.  Taasoo laga filayo masu’uuliyad, go’aan qaadasho iyo ineey xil isa saaraan. Waxaa dhalinyaradaani lasoo gudboonaado caqabado badan. Haddaba waalidnimadeena ma waxeey ku egtahay ilaa ay 18 jir noqdaan mise weey sii socotaa. Haddaba ka dhageyso qeybteenaan. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeWixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
46 minutes | Dec 26, 2021
#30: Maxaynu ka faa'iideysanay xalqadihii lasoo dhaafay?
Waxaanu hore uga hadalnay taxanihii lasoo dhaafay Isbadalka dabeecadaha iyo habdhaqanka ku yimaada ciyaalka da’da 13-18 jirka ay, iyo caafimaadkooda  maanka. Waxaanu waraysanay Asma oo psychologist ah iyo Hanna oo ah registered nurse kuna takhasustay caafimaadka maanka iyo dhimirka. Xalqadani waa gunnanadka taxanahaa aanu soo qaadanay iyo inaan faadumo iyo aniga oo sagal ah aanu soo koobno falaqaynteenii, ra’yigeenii iyo wixii aanu ka faa’iidaysanayba.  Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeWixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
42 minutes | Nov 28, 2021
#29: Part 2 - Maandhaye & Maandhaqe - daaweynta & ka hortaga cudurada dhimirka iyo nafsiga
Kusoo dhawaada qeybteena labaad ee maandhaye iyo maandhaqe. Hanna waxay qeytani nooga hadleysa daaweynta iyo ka hortaga. Waxay kaloo Hanna wax inooga sheegi doontaa dardaaran ay ugu tala gashay waalidiinta.Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeyeWixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: ladnaanpodcast@gmail.com
30 minutes | Nov 14, 2021
# 28: Part 1: Maan dhaye iyo maan dhaqe, maxaad ka taqaanaa? Dhageyso wareysiga aan la yeelanay Hanna
Maxaad ka taqaanaa maan dhaye iyo maan dhaqe. Cudurada ku dhaca ama dhibaatooyinka ku yimaada maanka waxaynu u baahan nahay inaan kala garano, si aan ceebeynta iyo takoorka bulshadeena iyo dadkeenaba. Qeybtaan waa qeybta hore oo ay Hanna inoo kala dhig dhiigeeyso waxay ku kala gedisan yihiin maandhayaha iyo maandhaqaha.
38 minutes | Oct 24, 2021
#27: Dhalinyarada iyo caafimaadka maanka – wareysi aan la yeelanay Asma Dhamac
Waxaan xalqadeena kaga hadleynaa caafimaadka maanka iyo cudurada ku dhaca dhimirka/maanka ee dhalinyarada. Waxaan wareeysanahay Asma Dhamac oo ku taqasustay cilmi nafsiga, una ololeysa sida ay bulshada Soomaalida u fahmi lahaayeen caafimaadka iyo cudurada ku dhaca maanka. Waxay xalqadeena Asma kaga hadleysaa sideey dhalinyarada iyagana u ogaan lahaayeen caafimaadka maanka iyo waxyaabaha ay sameeyn lahaayeen si ay uga hortagaan. Waxay kaloo Asma ka hadashay sideey waalidiinta iyo bulshadana u taageeri lahaayeen dhalinyarada. Asma waxaad kala xiriiri kartaa YouTube channel-keeda oo la yiraahdo Sirta Maana: https://www.youtube.com/channel/UClxzq7cuXnnhKhFUfXVKT9Aiyo Instagram @asmadhamac. Heesta aan kusoo gabagabeyneyno xalqadeena waxaan kasoo qaadanay Aar Maanta iyo heesta Ubadkaa mudnaanta leh: https://www.youtube.com/watch?v=Hc_zrRYx8Bc 
64 minutes | Oct 10, 2021
#26: Ubadku waa Amaano - dhageyso wareysiga aan la yeelanay Afrah Adan
Xalqadeena waxaa marti noogu ah Afrah Adan oo nooga hadleysa howlaha ay qabato oo ku saabsan sida loo xoojin lahaa isku xirnaanta waalidka iyo ubadkiisa. Waa wareysi qalbigeena taabtay, Afrah nalama wadaageyso keliyo howlaha ay qabato, oo waxay nala wadaageysaa qibradaheeda waalidnimo.Heesta aan kusoo gabagabeyneyno xalqadeena waxaan kasoo qaadanay Aar Maanta iyo heesta Ubadkaa mudnaanta leh: https://www.youtube.com/watch?v=Hc_zrRYx8Bc 
50 minutes | Sep 27, 2021
#25: Isku xirnaanta waalidka iyo cunugiisa qaangaarka ah - Attachment between parent and adolescent
Waa maxay isku xirnaanta waalidka iyo cunugiisa qaangaarka ah? mala arki karaa? mala dareemi karaa? Isku xirnaanta waa baahi ku abuuran waxwalbo oo noola ah qaasatan bini’aadamka. Waa mid ilaahay ku abuuray inuu u baahan yahay cidkale oo uu dareemo inuu ka tirsan yahay ama ku tiirsan yahay.Haddaba ka dhageyso qeybteenaan sida uu waalidka uu xoojin karo xiriirka caruurtiisa qaangaarka ah. Waxaan kaloo qeybtaan idinkugu soo bandhigi doonaa jawaabihii kasoo baxay sahanka. 
COMPANY
About us Careers Stitcher Blog Help
AFFILIATES
Partner Portal Advertisers Podswag Stitcher Originals
Privacy Policy Terms of Service Your Privacy Choices
© Stitcher 2023